Daawo:- Filimka laga sameeyay qisada jaceylka ee Obama & Michelle oo loo gudbiyay White House-ka

Daawo:- Filimka laga sameeyay qisada jaceylka ee Obama & Michelle oo loo gudbiyay White House-ka

daajis.com:- Aqalka cad ee looga taliya Mareykanka ayaa loo diray nuqul ka mid ah filimka laga sameeyay taariikhda iyo qisadda jaceyl ee Barack Obama iyo marwada koowaad  Michelle Obama’s, waxaana filimkaan Directed ka ah Richard Tanne .

Madaxweyne Obama iyo taliyeyaashiisa ayaa laga sugayaa inay daawadaan kana faaloodaan ka hor inta aan la saarin in ka badan 800 shineemooyin oo ku yaal dalka Mareykanka kadibna caalamka dhan loo gudbiyo. 

Filimkaan cusub oo shineemooyinka laga daawan doono bisha 26 August ayaa waxaa uu ku bilaabanayaa kulankii ugu horeeyay  ee Michelle iyo Obama 1989-kii ,xiligaasi oo ay ahaayeen dhalinyaro garyaqaano ka tirsanaa shirkadda Chicago firm.

Qisada filimkaan oo soconeysa 84 daqiiqo, waxaa ku baxay $1.5 million, waxaana la filayaa in Box Office Mareykanka ka noqdo mid sareeya oo dhaqaale ahaan ka saro maro kuwo iyagana sanadkaan gudahiisa soo bixi doona.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada