Ma’ogtahay in Caruurta Afrika ku nool ay noqdeen kuwa ugu caafimaadka wanaagsan Aduunka? (DARAASAD)

Ma’ogtahay in Caruurta Afrika ku nool ay noqdeen kuwa ugu caafimaadka wanaagsan Aduunka? (DARAASAD)

daajis.com:- Saynisyahano reer Australia ah ayaa shaaciyey in dalka Tanzania ay ku nool yihiin carruurta ugu caafimaad badan adduunka oo dhan sida ay ku ogaadeen cilmi baaris ay sameeyeen.

caruurta

Baaritaan ayaa lagu sameeyay 1.1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ay u dhaxayso 9 ilaa iyo 17 jir, kuwaas oo kala jooga 50 waddan oo caalamka ka tirsan.

Caruurta ka qeyb qaadatay daraasadan ayaa lagu xujeeyay inay jimicsadaan labaatan mitir si loo qiimeeyo fayo qabka jirkooda.

Grant Tomkinson oo ka mid ah dadkii hogaaminayay cilmi-baareyaasha jaamacadda University of South Australia ayaa sheegay in sababta ay caruurta Tanzania kaalinta hore u galeen ay tahay inay ka jimicsi badan yihiin carruurta ay isku da’da yihiin.

Carruurta Tanzania ee kaalinta koowaad galay waxaa ku soo xiga caruurta dalalka Iceland, Estonia, Norway iyo Japan.

Dalka Maraykanka oo lagu tiriyo dalalka ugu dhaqaalaha badan caalamka, daryeel wanaagsana laga siiyo caruurta ayaa kaalimaha ugu hooseeya ka galay daraasadan oo muddo dheer socotay.
Dadka badan ayaa la yaabay markii ay maqleen Afrika oo ah halka caruurta ugu bada caalamka ay ugu dhintaan cudurada iyo nafaqo darada in haddana dal ka mid ah uu noqdo wadanka caruurtiisu ay ugu caafimaadka badan yihiin caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada