Soomaalida ku Dhaqan Minnesota oo Buuq iyo Kala Orod ku Riday Shaqaala Mall of America (VIDEO)

Soomaalida ku Dhaqan Minnesota oo Buuq iyo Kala Orod ku Riday Shaqaala Mall of America (VIDEO)

daajis.com:- Shacab soomaaliyeed oo farabadan kuna dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa labo habeen ka hor oo ku beegnayd habeenkii ciida, waxa ay buuq iyo sawaxan ku galeen xarun laga dukaamayso oo ku taalo magaaladaasi taas oo lagu magacaabo Mall of America.

Xaruntan ganacsiga ee Mall of Amerika ayaa ah goob ay ku yaalaan meelo lagu ciyaaro oo caruurta ay ka helaan iyadoona halkaasi ay ku yaalaan dukaamo iyo maqaayado laga cunteeyo.

Shaqaalaha goobtaasi ayaa markii danbe wacay booliska maadaama shacabka soomaaliyeed ay yihiin dad kor u hadla marka ay sheekaysanayaan, waxa ayna sawaxanka qayladaasi cabsi galisay dadkii halkaasi ka shaqaynayay, iyagoo mooday inuu dadkani dagaal ka dhex qarxi doono, iyadoo  ciyaalkii ay farxad isula ciyaarayeen isna eryanayeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada