Al-Amriiki Iyo Al Shabaab oo La Ogaaday Inay Isku Qabteen Qarxinta Goobaha Shacabka (VIDEO)

Al-Amriiki Iyo Al Shabaab oo La Ogaaday Inay Isku Qabteen Qarxinta Goobaha Shacabka (VIDEO)

daajis.com:- Jihaad doonkii Al-Amriiki ee ka barbar dagaalami jiray Ururka Al Shabaab sanado badan ayaa la ogaaday sababtii ay isku qabteen Ururka Al Shabaab iyo sidii ay isku badashay Istiraatiijiyadii Al Shabaab ee sanadkaasi.

Al-Amriiki oo magaciisa  saxda ah uu ahaa Omar Hamami, ayaa arintani u sheegay wariye maraykan ah ee ay ku xiriiri jireen qadka Twitter-ka.


Al-Amriiki ayaa wariyahan u sheegay in hogaanka Al Shabaab uu go’aansady inay weerari doonaan meel kasta xitaa hadii aysan ahayn goobo militery, taasina buu yiri ay tahay mida kaliya ee aan isku qilaafsanahay aniga iyo Ururka Al Shabaab.

Barnaamij dhawaan laga suubiyay jihaaddoonkii Al-Amriiki ayaa lagu soo bandhigay in Omar Hamami uu aad uga soo horjeeday in la qarxiyo goobaha ay ku suganyihiin dadka Shacabka, sababtaasina ay ahayd tii uu uga baxay ururka Al Shabaab ee uu Duurka u galay isaga iyo Saaxiibadiis.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada