11 Jir Culeyskiisu Yahay 146 Kilogram Oo U Dhashay China Oo Hab Qariib Ah Loola Tacaalayo (Daawo)

11 Jir Culeyskiisu Yahay 146 Kilogram Oo U Dhashay China Oo Hab Qariib Ah Loola Tacaalayo (Daawo)

daajis.com:- Wiil aad u dhallinyar ayaa wuxuu culeyskiisu yahay 23 stone oo u dhiganta 146 kilogram. Waxaase la yaab leh inuu si qariib ah u isticmaalayo DABKA si uu u lumiyo culeyskiisa.

11 sanno jirkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Li Hang, waxaana loo daweynayaa qaab dhaqan u ah dalkiisa China oo la aaminsan yahay inuu shaqsigu ku lumin karo culeyskiisa iyadoo korka laga saarayo waxyaabo kulul,  Li Hang ayaa sariir ku aruuray ka dib markii uu si aan loo baahneyn u cayilay isagoo keliya seddax sanno jir ah.

Qaabkaan cayilka faraha badan ee shaqsiga lagu luminayo DABKA ayaa waxaa dalka China looga yaqaanaa ‘Huo Liao’ waana qaab ay dhaqan ahaan u leeyihiin reer China. Sawirrada wiilkaan oo laga dabiibayo xaaladdaan qariibka ah ayaana ku faafay internetka.
Wuxuu haatan yaallaa Changchun Kangda Hospital oo ku yaalla magaalada Changchun City ee dacda Waqooyi Bari dalka China. Shaqaalaha caafimaadka Changchun Kangda Hospital ayaana wiilkaan saacad kasta dab ku kubbeeya.



China wuxuu ka mid yahay dalalka qaatiga ka taagan cayilka caruurtooda. Dadka laga dabiibayo cayilka ee dalka China ayaana waxaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin todobo shaqsi oo kasta oo ka mid ah 53dii shaqsi ee lagala tacaalayo cayilka faraha badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada