Ciidamada Amisom iyo Kuwa Soomaaliya oo Isku Raacay Inay Si Wadajir ah Ula Dagaalamaan Al Shabaab (VIDEO)

Ciidamada Amisom iyo Kuwa Soomaaliya oo Isku Raacay Inay Si Wadajir ah Ula Dagaalamaan Al Shabaab (VIDEO)

daajis.com:- Kulan ay yeesheesheen saraakiisha sare ee Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa isku raacay inay si wadajir ah ula dagaalamaan ururka al shabaab.

Kulankan ay ka soo qayb galeen saraakiisha qaabilsan howlgaladda lagula dagaalamayo ururka al shabaab, ayaa isugu yimid xarunta ciidamada Amisom ee xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulan dheer kadib ayay Saraakiisha ciidamada isku raaceen inay si wadajir ah ula dagaalamaan Al Shabaab, iskana caawiyaan waxa ay isaga baahanyihiin.

Abaanduulaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Jen. Cali Baashe, ayaa war saxaafadeedka ku sheegay inay aad u soo dhawaynayaan howlgalka isku dhafka ee ay dhawaan bilaabidoonaan ciidamada huwanta ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada