Daawo :- Cajiib ah: Madaxweyne Erdogan oo furay masjidkii ugu horeeyey oo Turkigu ka dhisay dalka Belarus

Daawo :- Cajiib ah: Madaxweyne Erdogan oo furay masjidkii ugu horeeyey oo Turkigu ka dhisay dalka Belarus

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqday magaalada Minsk ee dalka Belarus, isagoo ka furay masaajidkii ugu horeeyey ee dalkaas laga dhiso.

Masjidkan oo dhismihiisu socday sanado badan ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhismahiisa dhaqaalo la’aan darteed iyadoo markii dambe dowlada Turkigu maalgelisey.

Belarus oo ka mid ah Jamhuuriyadihii ka go’ay Midowgii hore ee Soofiyeeti ayaa waxaa ku nool dad 10 milyan garaya 30,000 oo ka mid ah ay muslimiin yihiin, waana %3 shacabka dalkaasi.
“Masjidkani wuxuu calaamad u noqon doonaa joogitaanka Muslimiinta ee dalka Belarus, waana ku faraxsanahay inaan ka qeyb qaadano masjidkii ugu horeeyey ee halkan laga hirgeliyo” ayuu yiri Erdogan.
Erdogan ayaa dalal badan ka dhisay masaajidyo, isbitaalo, goobo waxbarasho iyo mashaariic kale oo horumarineed, waxaana ka mid ah dalalkaas Somalia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada