Daawo Sawiro: Kabaha Ugu Qaalisan Adduunka Oo Laga Sameeyey Mid Kamid Ah Cuntooyinka Aad Loo Jecel Yahay

Daawo Sawiro: Kabaha Ugu Qaalisan Adduunka Oo Laga Sameeyey Mid Kamid Ah Cuntooyinka Aad Loo Jecel Yahay

daajis.com:- Waxa ay u muuqdaan marka la fiiriyo kabo rasmi ah kuwaasoo 100% laga sameeyey maqaar ama harag, balse farqiga u dhaxeeyo kabaha caadiga ah iyo kuwaan waa in la cuni karo kabahaan..


Mid kamid ah Hotel ada ku yaalo Osaka ee dalka Japan ayaa lagu sameeyey qaabkaan cusub ee shukulaatada, waxaana ka sameeyey kabahaan shukulaatada khabiir dhanka shukulaatada kaasoo lagu magacaabo Okai Motohiro, kabaha uu ka sameeyey shukulaatada ayaana gaarayo dhirir ahaan 26cm midabka kabahaan loo sameeyey ayaana ah midabkii lagu garanayey shukulaatada kaasoo ahaa bunni iyo madow furan.


Dhanka kale waxaa xusid mudan in joog waliba oo kabahaan ah lagu soo xiro ama lagu soo rido weel gaar u ah kaasoo ilaalin kara kabaha shirkadda ayaana u sameysay qaabkaan

Warar hordhac oo kasoo baxay dalka Japan ayaa sheegayo in qiimaha kabahaan cusub uu noqon doono 29,160 YEN oo ah lacagta dalka Japan waxa ayna u dhigantaa 258 dollar, waxaana sidoo kale la sheegayaa in qofkii dalbada 9 joog oo kabahaas ah midka 10 aad lagu siin doono si bilaash ah.
Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in dadka daneynayo kabahaan ka sameysan shukulaatada ay heli karaan wixii ka dambeeyo 20 ka bisha January ee sanadka ina soo aadan iyada oo suuqa lasoo dhigi doono kaliya alaab xadidan kuwaas aan suuqa laga sii heli doonin wixii ka dambeeyo 7 da bisha February.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada