Daawo:- TRUMP oo Loo doortay Madaxweynaha Dalka Maraykanka

Daawo:- TRUMP oo Loo doortay Madaxweynaha Dalka Maraykanka

daajis.com:- Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykana, Iyadoo uu xilka kala wareegi doono madaxweyne Obama kaddib markii uu uga guuleystay Hillary Clinton 276 cod.


Guusha Trump ayaa loo arkaa mid taariikhi ah waxa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clinton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yahay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qallafsan oo ka careysiiyay dad badan oo Mareykan ah.

Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa, Waxa uu sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.



Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay.

Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee “senetka”.
Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada New York.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada