Dawlad Ethiopia oo Kawalaacsan Booqashada Afwerki ee Masar.

Dawlad Ethiopia oo Kawalaacsan Booqashada Afwerki ee Masar.

daajis.com:- Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa walaac iyo walbahaar kaqaaday xidhiidhka darisnimo iyo saaxiib tinimo ee udhaxeeya dowladaha Masar iyo Eritrea oo ay u aragto cadawgeeda.

Madaxwaynaha wadanka Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho labo maalmood qaadatay kutagay wadanka Masar isagoo casuumaad rasmi ah kahelay madaxwaynaha wadanka Masar cabdifatax Al-sisi.

Sida xogta aan kuhelay laba dowladood ee Masar iyo Eritrea ayaa kawada hadlay arimo kusaabsan xidhiidhka labada wadan iyo iskaashiga dhinac kasta ah ee ka dhaxeeya labada wadan ee dariska iyo saaxiibahaba ah.

Sidoo kale labada madaxwayne waa Isaias iyo Al-sisi e ayaa kawada hadlay arimo la xidhiidha sidii ay labada dowladood uga wada faa’iidaysan lahaayeen bada cas oo labada wadanba ay wadaagaan.

Booqashada madaxwaynaha Eritrea ee Qaahira waxay cabsi wayn kubeertay xukuumada wayaanaha oo u aragta in xidhiidhka labada wadan ee Masar iyo Eritrea uu khatar kuyahay jiritaanka wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Xukuumada wayaanaha ayaan xidhiidh wanaagsan lalahayn dhamaan wadamada Gobolka waxayna u aragtaa xidhiidhka ay wadamada Gobolku yeeshaan in ay dhaawac ugaysan karto jiritaanka Itoobiya.
Xidhiidhka dowlada Masar iyo xukuumada wayaanaha ayaa ah mid aad uxun waxaana xaalada sii murgiyay kadib markay xukuumada Wayaanuhu leexisay biyihii wabiga Nile ka oo ay ka faa’iidaysan jireen shacabka Masaarida ah.

Dhinaca kale xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa dowladaha Masar iyo Eritrea ku eedeeysay in ay dabada kariixayaan kacdoonada lagaga soo horjeedo kooxda TPLF.

Xigasho: ONA.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada