Guushii Donald Trump oo Gacan Wayn Ka Geeysatay Facebook-ga

Guushii Donald Trump oo Gacan Wayn Ka Geeysatay Facebook-ga

daajis.com:-  Boggan ayaa ka mid ah kuwa ay adeegsadeen taageerayaasha Trump Guushii taariikhiga ahayd ee Donald Trump ee doorashadii madaxweynimmo ee wadanka Mareykanka ee dhacday 8-dii November ayaa dad badan si la yaab leh u arkeen.

Saadaashada iyo ra'yi urrurinta laga sameeyey dadka ka hor doorashadda ayaa hoos u dhagaysay taageeradiisa iyadoo dad tiro yar oo wax saadaaliya ay siiyeen fursad.

Laakiin codbixiyayaasha Trump si wayn ayay ugu soo baxeen codeynta,iyadoo ku gambanayey Facebook-ga.

Kumanaan kun oo bogag lagu taageerayo Trump oo laga sameeyey gudaha wadanka ayaa si wayn ugu faafay baraha busladda, waxay ahaayeen kuwa dadka u furnaa iyo kuwa dad gaar ah xubno ka ahaayeen, badankood waxaa xubno ka ahaa dad aan ka badnayn boqol, laakiin badankood kumaankun ayaa xubno ka ahaa, laakin sida midka lagu magacaabo American Patriots for Donald J. Trump wuxuu leeyahay boqolaal kun oo dad ku taxan.

"Xaqiidii ma jirto meel aad ka hadli kartid oo aad si wanaagsan wax uga sheegi karto Trump" ayay tiri Ann Luen, oo ku nool deegaanka Fort Lauderdale, ee gobolka Florida ahna qofka bilaabay bogga Americans for Trump Facebook group.

"Dadku way ka cabsanayeen inay taageeradoodda siiyaan Trump iyagoo horjooga qoysaskoodda iyo asxaabtoodda" ayay tiri.
Waxay kaloo intaasi raacisay " Waxaa jirtay in badan oo isqarin ah oo nagu saabsan".

Tani waa cabashada ay qabaan taageerayaasha Trump, kuwa badan waxay leeyihiin waxaa afka na qabtay siyaasad isla-saxsan,warbaahinta iyo waliba xitaa dariskeenna.

Facebook-ga Luen wuxuu leeyahay 56 kun oo xubno ka ah, waxay sheegtay in ay isku dayayso inay sheekadda ku ilaaliso kuwa aan xanaf lahayn, iyadoo ka mamnuucaysa kuwa ku gudbiya hadaladda qadaf ah, ismuujiya ama soo gudbiya hanjabaadyo.

Kooxo badan oo taageerayaasha Trump ayaa wadaaga wararka iyagoo inta badan u gaystay ku jees jeesa ama hadallo qalafsan u gaysta Hillary Clinton waxaynna wararka dhabta ah ee taageeraya Trump ku xiriirin jireen warar been abuur ah.
"Obama wuxuu ku dhashay Kenya"

Hadallada beenta ah ee aadka loogu wadaagay boggagan waxaa ka mid ahaa in Baadariga madhabta Katooliga Pope Francis uu taageeray musharaxa Jamhuuriga [Donalnd Trump], Obama oo "qirtay in uu ku dhashay Kenya" iyo Hillary Clinton oo dishay sarkaal ka tirsan FBI-da.

Wararkan ku tiri ku teenta ah ee sidan caadiga ah u faafay intii lagu jiray olalaha waxaa aasaasaha Facebook-ga Mark Zuckerberg lagu dhaliilay in aannu wax badan ka qaban beenabuurayaasha awoodda badan, taas jawaabteeda wuxuu balanqaaday in uu joojin doonno wararka been abuurka ah, isagoo sidoo kale beeniyey in sheekooyinka been abuurka ah ay doorashadda xagal daaciyeen.

Joshua Benton, oo aka tirsan Harvard University, wuxuu farta ku fiiqay in tiro sheekooyin been abuur ah in lagu wadaagay Facebook-ga in ka badan in ka badan sheekooyinka dhabta ah ee baaritaanka Trump & Clinton.

Sida ay sheegayso xarunta daraasaadka ee Pew Research in ka badan 60% dadka waa wayn waxay ka heleen macluumaadka doorashadda baraha bulshada , taasi oo ka badan 49% intii lagu jiray doorashadii 2012.

Wareysigiisii ugu horeeyey ee uu axaddii Trump siiyey Telefishinka CBS Axadii wuxuu qirtay in baraha bulshada ay u horseedeen guushiisa, wallow Clinton ay gobollo muhiim ah ku kaga guulaystay.

"Waxaan filayaa in baraha bulshada ay leeyihiin awood ka badan lacagta ay bixiyaan, waxaana filayaa in taasi xaqiijinayso jiritaanka, taas waan xaqiijiyey" ayuu yiri.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada