Itoobiya: “Fidel Castro waxaa uu naga gacansiiyay jebinta Somalia”

Itoobiya: “Fidel Castro waxaa uu naga gacansiiyay jebinta Somalia”

daajis.com:- Madaxda dalka Itoobiya ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dadka iyo Dalka Cuba,waxaana ay uga tacsiyadeynayaan geerida hoggaamiyihiin Hanti wadaagga Cuba ee Fidel Castro oo dorraad ku geeriyooday Havana.

Dowladda Itoobiya waxaa ay sheegtay in Castro uu baal dahab ah uga jiro taariikhda Shacabka Itoobiya kadib markii Sanadkii 1977dii uu Itoobiya ka gacan siiyay in ay dib u qabsato Dhulka Soomaalida oo markii hore ay dagaal kula wareegeen Ciidanka Soomaaliyeed ee Dowladdii kacaanka.

Castro,ayaa  ciidan u dhaxeeya 10000-15,000 oo Askari oo Cuba iyo Midowgii Soviet-ka ka socday u diray Itoobiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ciidamadaas oo aad u qalabeysnaa ayaa waxaa ay Itoobiya ka caawiyeen Cirka iyo dhulka waxaana ay kaalin weyn ka qaateen  jebinta Ciidanka Soomaaliyeed ee qabsaday Somali Galbeed.

Hoggaamiyihii Itoobiya ee Xilligaas, Mengistu Haile Mariam,ayaa Havana oo ah Caasimadda Cuba ugu tagay Castro isaga oo ka codsaday in laga gacansiiyo dagaalka ay Soomaliya ku dooneyso in ay ku qabsato Dhulka Soomaali Galbeed.

Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome iyo Raysulwasaare Hailemariam Dessalegn ayaa dhambaal tacsi ah udiray dowlada iyo shacabka Cuba geeridii kutimid hogaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro oo dorraad  geeriyooday.Labadan masuul ayaa dhambaalkan tacsida ah kusoo hadal qaaday taageeradii iyo taakulayntii uu Fidel Castro ufidiyay Ethiopia dagaalkii khadhaadhaa ee ay la gashay Somalia 1977.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada