Itoobiya oo ku Hanjabtay in Ciidamadeeda ay Kala Baxayso Dalka Soomaaliya (VIDEO)

Itoobiya oo ku Hanjabtay in Ciidamadeeda ay Kala Baxayso Dalka Soomaaliya (VIDEO)

daajis.com:- Joornaalka lagu magacaabo East Africa Monitor oo ka soo baxa dalka Ingariiska ayaa qoray in Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalka ciidamada Amisom ay ka baxayaan howlgalkaas, kadib markii ay dowladda Itoobiya ay ku Hanjabtay inay gobolada Soomaaliya isaga baxayaan hadaan ciidamadeeda la siin xuquuqdooda.

Wargeyska oo soo xiganaya Afhayeenka Ciidanka Amisom ee Soomaaliya, Joseph Kibet Murrey ayaa sheegay in bixitaanka ciidanka Itoobiya ee howlgalka Amisom ay culeys weyn ku tahay,kuna qasbeyso Amisom in ay dib u dhigto qorshe ay dejisay,dibna u fakarto.


Mr. Kibet waxaa uu sheegay in Ciidanka Itoobiya oo ka baxa Amisom ay culeys ku tahay Amisom, firaaq badanna ku soo fureysa howlgalka, taasi oo saameyn badan ku yeelaneysa qorshaha howlgalka.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Itoobiya Getachew Reda, aya Bishii hore sheegay in ciidanka Itoobiya ee ka baxaya Amisom aysan sabab u ahayn kacdoonka ka jira gudaha Itoobiya ee Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ay wadaan.

Wasiirka ayaa waxa uu taas beddelkeeda sheegay in ay sababta tahay Beesha Caalamka oo Itoobiya uga baxday ballamo ay la gashay iyo in ay bixin waayeen dhaqaalaha Ciidanka Itoobiya ee aan ku jirin Amisom kuna sugnaa gudaha Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada