Maamulka Hirshabeelle oo shaaciyay magacyada Musharixiinta Aqalka Sare (Akhriso)

Maamulka Hirshabeelle oo shaaciyay magacyada Musharixiinta Aqalka Sare (Akhriso)

daajis.com:- Maamulka Hirshabeelle ayaa goordhow soo saaray Liiska  musharixiinta Aqalka Sare, kuwaasoo u tartami doona 8-da kursi oo uu maamulka Hirshabeelle ku leeyahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhawaaqay 21 Musharax oo 5 kamid ah ay yihiin dumar kuwaasoo u tartami doona Aqalka Sare. Maamul goboleedyada kale ee dalka Soomaaliya ayaa hore u qabtay doorashooyinka Aqalka Sare.

Musharixiintan ayaa waxa ay hortagi doonaan Baarlamaanka Hirshabeelle maalinta berri ah 5ta Bisha November iyagoo qudbado u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka kana hadli doona waxyaabaha ay qaban doonaan. Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa ay dhici doontaa maalinta Axada lixda bisha November 2016.

Liiska ayaa waxaa ka dhex muuqda Muuse Suudi Yalaxow, Prof. Cusmaan Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenuya.

Kuraasta qaar ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin 2 illaa afar xubnood, iyadoo maalinta Axada lagu wado in lagu doorto magaalada Jowhar.
Akhriso Magacyada Musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

1- Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Dayib Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Xasan Yalaxow (Muusesuudi) iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada