MUUQAAL: Siilaanyo oo Sheegay inay Madaxda Khaatumo Kulan La Qaateen

MUUQAAL: Siilaanyo oo Sheegay inay Madaxda Khaatumo Kulan La Qaateen

daajis.com:- Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo kusoo noqday magaalada Hargeisa, ayaa sheegay in dalka Itoobiya ay kulan kula qaateen Madaxda maamulka khaatumo ee uu Hogaaminayey Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Siilaanyo ayaa xusay in Qodobada lagu heshiiyey ay ka mid tahay in Labada dhinac ay sii wadaan Wadahadalka u dhexeeya, iyadoona Wada hadalka ugu Horeeya uu Furman Doono 17-ka Bishan aynu ku Jirno, Waxaana lagu qaban doonaa magaalada Adis-ababa iyadoo ay Fududaynayso Dawlada Itoobiya.

Dhowaan ayaa madaxda khaatumo waxay Casuumad ka heleen Itoobiya, iyadoona uu horay halkaasi ugu Sugnaa madaxwaynaha maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in labada dhinac u wada hadli doonaan Laba maamul oo Siman.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada