[Xog] Qabanqaabada mudaaharaadyo looga soo horjeedo Imaaraadka oo Muqdisho ka socdo

[Xog] Qabanqaabada mudaaharaadyo looga soo horjeedo Imaaraadka oo Muqdisho ka socdo

daajis.com:- Waxaa socda abaabul mudaaharaadyo looga soo horjeedo faragelinta dowladda Imaaraadka Carabta aay ku hayso siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda. Mudaaharaadkan ayaa iska kaashanayo qabanqaabintiisa ururada bulshada, ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 uaeDowladda Imaaraadka oo ku leh saamiga ugu badan shirkadda baareysa batroolka ku jira badda Soomaaliya oo aay sheegatay dalka Kenya ayaa u ololeyneysa in uu hoggaanka dalka qabto R/W CCC si uu gebi ahaanba ugu wareejiyo badda Soomaaliya dalka Kenya iyo shirkadda ENI oo Imaaraadka saami weyn ku leeyahay.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cusmaan ayaa ah dalaalka wada howshan. Shacabka Soomaaliyeed oo ka danqaday faragelintan tooska ah iyo in loo xalaaleeyo badda Soomaaliya Dalka Kenya ayaa magaalada Muqdisho ka wada is abaabul aay uga soo horjeedaan dowladda Imaaraadka Carabta.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa maraya meeshii ugu hooseysay ebed, kaddib markii uu Imaaraadka bilaabay in uu boobo hantida Soomaali aay leedahay, sida dekedaha, haddana raba in gebi ahaanba badda aay sheegatay Kenya uu u gacan geliyo.

Mudaaharaadkan ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah ka dhaco seddex meelood sida taallada Daljirka, illinka hore ee Safaarada Imaaraadka ee Liido iyo Masaajidka Isbaheysiga

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada