Sirculus: Wikileaks oo baahiyay Cidda Aasaastay Daacish (Lama filaan)

Sirculus: Wikileaks oo baahiyay Cidda Aasaastay Daacish (Lama filaan)

daajis.com:- Aasaasaha Wikileaks Julian Assange, ayaa shaaciyay in Aasaaska Kooxda Daacish ay ka danbeeyen Hay’adda Sirdoonka ee CIA iyo Dowlada Sacuudiga.

Mr Julian Assange ayaa soo bandhigay Dukumiintiyo dhowr ah oo muujinaaya aasaaska Daacish iyo kaalin ay ku leeyihiin CIA iyo Sacuudiga.

Waxa uu sheegay in Aasaaska Daacish lagu bixiyay balaayin dollar, waxa uuna tilmaamay in ujeedkii laga lahaa aasaaska uu isku bedelay mid mirro qaraaran leh oo aan lagu anficin.

Tuhmanayaasha Sirdoonka CIA iyo Dowlada Sacuudiga ayuu bidhaamiyay in aasaaska Daacish ay ka lahaayen dano muuqda islamarkaana ay hubeeyeen dagaalyahanada Afghanistan ee ka dhanka ahaa ciidamada Soviet taas oo aheed talaabada ugu horeysa ee geedi socodka.

Abuurka Daacish ayuu sheegay in lagu qafiifinaayay awooda Al-qacida oo kusii faafeysay caalamka tan iyo markii ay maleegen weerarkii September 11, 2001 oo marmarsiyo u noqday Mareykanka inay galaan Ciraaq iyo Afghanistan, sidaa waxaa yiri Aasaasaha Wikileaks Julian Assange.

Aasaasaha Wikileaks Julian Assange waxa uu sheegay in Dukumiintiyo ay horay u baahiyeen uu ku muujiyay in faraha ay ka baxday xakameynta ay xakameynayeen Hogaanka sare ee Kooxda Daacish, waxa uuna sheegay in taasi ay dhalisay heer la xakameyn waayo Kooxda isla markaana kusii faafan qaaradaha kale.

Dukumiinti horay loo faafiyay ayaa waxaa lagu muujiyay in Saraakiisha Sirdoonka Maraykanka ay ogaaden sanad ka hor in ay jiraan kooxo kala duwan ee xagjirka ah oo qorshaynaya in ay sameeyaan waxa loogu yeero khilafada ee Bariga Dhexe, waxa ayna taasi dhalisay raja beelka CIA iyo Dowlada Sacuudiga.

Wikileaks, waxa uu sheegay in Dowlada Sacuudiga ay maslaxad u aragtay in dalka Syria uu saaxiib u noqdo Hooyga Argagixisada waxa ayna si wada jir ah u maalgalineysay Daacishta Syria iyo Mucaaradka Dowlada Bishaar Al-asad si ay culeyska u saaran deegaanada yar oo ay ku harsan tahay Dowlada Syria.

Aasaasaha Wikileaks Julian Assange, waxa uu Dukumiintiyadiisa shaki ku galiyay in Daacish ay xiriir la leedahay Diimaha ay umadda kala heystan, waxa uuna ku celcelshay in dantii laga lahaa Daacish lagu fashilmay.

Ujeedka ugu weyn ee loo aasaasay Daacish ayuu Mr Julian Assange ku sheegay inay tahay in lagu burburiyo Dowladaha ku mideysan Islaamka, waxa uuna tilmaamay in qorshahaasi uu ahaa mid dano fog laga lahaa.


Si kastaba ha ahaatee, Wikileaks ayaa sheegay in wali ay jiraan rajooyin kale oo muujinaya taakuleynta Kooxaha Argagixisada ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada