Warar Dheeraad ah oo ka soo Baxaya Dhulgariirkii Xooganaa ee ka dhacay Dalka New Zealand (VIDEO)

Warar Dheeraad ah oo ka soo Baxaya Dhulgariirkii Xooganaa ee ka dhacay Dalka New Zealand (VIDEO)

daajis.com:- Dhulgariirkii xooganaa ee ku dhuftay magaalada Chirstchurch ee bariga wadanka New Zealand ayaa waxaa soo baxaya inta uu gaarsiisanyahay khasaaraha burburka iyo kan nafeed ee uu gaystay Dhulgariirka.

Dadweynaha ku nool xeebaha bari ee wadankaas ayaa xalay saqdii dhexe loogu baaqay inay ka fogaadaan xeebta, maadaama laga cabsi qabo inay (Tsunami) mowjado waaweyn ee biyaha badda ay ka dhalan karto dhulgariirkii ka dhacay halkaasi.



Dhulgariirkan oo xoogiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa ahaa mid burbur xoogan u gaystay guryo badan oo ku yaalay magaaladaasi.

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand John Key ayaa dadweynaha ugu baaqay feejignaan hor leh maadaama dhul gariirkii xooganaa ay ka dhalan karaan dhulgariiryo yar yar oo mar labaad dhici kara.

Burbur xoog leh ayaa soo gaaray wadooyinka iyo degaanada u dhaw halka uu dhulgariirka ka dhacay, waxaana weli socda badbaadinta dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkaasi.

Dhowr ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen dhulgariirkan oo xoogiisa ka dhacay nawaaxiga magaalada Christchurch ee bariga wadanka New Zealand.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada