Xildhibaan Ducaale, Cusmaan Daalo iyo C/sataar oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose

Xildhibaan Ducaale, Cusmaan Daalo iyo C/sataar oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose

daajis.com:- Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa difaacday kursigiisa Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose, kaddib markii uu maanta ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

Tartanka Kursigan oo ahaa mid isha lagu hayay, kana mid ahaa saddexda kursi ee Beesha Harti Abgaal ayaa waxaa ku tartamayay Maxamed Abukar Islow C/qaadir Axmed oo loo yaqaano Cumar Shariif, waxaana uu uga guuleystay aqlabiyada ergadii wax dooraneysay.

Xildhibaan Ducaale ayaa helay 48 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Cumar Shariif uu helay saddex cod, waxaana uu  sidaas uu ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Harti Abgaal/Owbakar Gaabane ku guuleystay.

Mr Ducaale ayaa taageero ka heystay Beeshiisa, isla markaana ahaa ninka kaliya ee musharaxiinta ku tartamayay kursigaas ee taageerada ugu badan ka heystay beesha.

Sidoo kale doorashadii kale ee maanta dhacday ayaa waxaa ku guuleystay Kursiga Beesha Gaaljecel/Barsane C/sataar C/salaan Sheekh Xasan Barsane, waxaana uu isagana mar kale ku fariistay kursigii Xildhibaanimo ee beeshiisa.

Waxaa uu helay 29 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay Mustaf Sheekh Cismaan uu helay 22 cod, waxaana tartanka Kursigan uu ahaa mid aad u adag.

Dhinaca kale waxaa isna doorashada Kursiga Beesha Udeejeen ku soo baxay Cusmaan Maxamed Cabdi oo loo yaqaano Cusmaan Daalo, waxaana uu helay 50 cod.

Si kastaba ha ahaatee xubnaha ku soo baxay doorashada maanta ayaa labo ka mid ah ay yihiin taageerayaasha Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, isla markaana uu loolan adag kala dhaxeeyo Madaxtooyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada