Muran ka jira xulista ergada kursiga uu ku tartamayo xildhibaan Daahir Amin Jeesow

Muran ka jira xulista ergada kursiga uu ku tartamayo xildhibaan Daahir Amin Jeesow

daajis.com:- Waxaa soo baxaya muran ka taagan xulista ergada mid kamid ah kuraasta Aqalka Hoose ee lagu tartamayo magaalada Jowhar xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka hadlay in sadbursi iyo awood sheegasho uu ka jiro mid ka mid ah kuraasta ay beesha Gaaljecel ku leeyihiin Aqalka Hoose.

Oday dhaqameedyadan ayaa waxa ay ku eedeeyeen Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha beesha isla markaana uu duudsiyay xaq ay leeyihiin beelo dega labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

War Murtiyeed ay soo saareen oday dhaqameedyadan ayaa lagu sheegay in  Ugaasku uu u qoondeeyay ergada dooranaysa kursigaas ergooyin ku heyb ah Daahir Amiin Jeesow taasna ay tahay xaq daro kursigaana uu yahay mid ka dhexeeya beesha Lahube oo  ka kooban saddex jilib.
“Labada jilib ee Caloofi iyo Bees waa loo diiday inay ka mid noqdaan ergada waana mid xaqdarro ah.”ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ugu dambeyntii duqeyda iyo waxgaradka beelaha Caloofi iyo Bees waxa ay ugu baaqeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ururada doorashooyinka inaysan aqbalin ergada uu wato Daahir Amiin Jeesow.
Kursigan ayaa waxa uu ka mid yahay kuraasta aan weli la dooran ee Aqalka Hoose kaasoo la qorsheynayo in maalmaha soo socda la doorto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada