Madaxweynihii Hore ee Dalka Gambiya oo Lagu Qanciyay inuu Dalka Isaga Tago (VIDEO)

Madaxweynihii Hore ee Dalka Gambiya oo Lagu Qanciyay inuu Dalka Isaga Tago (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa lagu qanciyay inuu xilka isaga dego kana dhoofo dalkaasi, waxaana magangalyo siyaasadeed siiyay dalka Guinea oo kuyaala Galbeedka Qaaradda Afrika.

Madaxweyneyaasha waddamada Guinea iyo Mauritania, ayaa Yahya Jammeh ku qanciyay in uu xafiiska baneeyo, haddii uu diidana ay ciidan gelin doonaan dalkiisa si ay xoog uga qaadaan xafiiska.

Madaxweyne Yahya Jammeh ayaa saacadihii ugu dambeeyay ogolaaday in uu xafiiska ka tago 22 Sano kaddib, waxaaana xilka la wareegay Madaxweynaha guuleystay ee Adam Barrow.

Adam Barrow, oo lagu dhaariyay safaaradda Gambiya ay ku leedahay dalka Senegal ayaa sheegay in marka uu dalka ku laabto uu sameynayo Guddi baara dambiyada Mr. Yahya Jammeh ee dhacay inta uu talada Waddankaasi hayay.

Shacabka Gambia ayaa lagu arkayaa Waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Banjul, waxaana ay muujinayaan farxad iyo damaashaad kaddib markii ay maqleen in madaxweynihii hore uu dalka ka dhoofay.

Taliyah Difaaca Ciidanka Gambia, ayaa sheegay in aysan xabad ku ridi doonin Ciidanka Galbeedka Afrika ka socda haddii ay soo galaan dalka Gambia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada