Afhayeenkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xil ka qaadis lagu sameeyey

Afhayeenkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xil ka qaadis lagu sameeyey

daajis.com:- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xil ka qaadis ku sameeyey afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Ra’isulwasaaraha ayaa amar ku siiyey Wasiirul Dowlaha xafiiska Ra’isulwasaaraha Cabdullaahi Xaamuud inuu xilka ka qaaday afhayeenka Xukuumadda Cabdicasiis Cabdi Xaaji Goobdoon.



waxaa la filayaa in dhawaan uu Ra’isulwasaaraha xilkaan u magacaabo shaqsi kale si loo buuxiyo booska xilka laga qaaday afhayeenkii hore.

Xukuumadda cusub ayaa waday maalmihii ugu dambeeyey xil ka qaadis lagu sameenayo dhammaan madaxdii lasoo shaqeysay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.
Dabeecadda xil ka qaadista ayaa waxaa wadaago dhammaan madaxda Soomaaliyeed oo ay caado u tahay in mid kasta oo imaado uu xafiisyada u magacaabo madaxda cusub si uu meesha u keensado shaqsiyaad sida ku siyaasad ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada