Aqriso beelaha ay kasoo jeedaan taliyayaasha la magacaabay iyo duqa cusub ee Muqdisho

Aqriso beelaha ay kasoo jeedaan taliyayaasha la magacaabay iyo duqa cusub ee Muqdisho

daajis.com:- Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaawday xilal isagu jira taliyaal Ciidan iyo sidoo kale xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas  oo lagu saleeyay habka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo markii ugu horeysay ku labisan dharka ciidanka, wuxuu ka qeyb galay kulanka golaha wasiirada ee lagu magacaabay xilalkan afarta taliye iyo gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho .

Xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Taabid Cabdi oo kasoo jeeda Hawiye gaar ahaan Abgaal, Waceysle, waxaana booskaas ka baxay Yuusuf Xusen Jimcaale oo ay isku beel noqdeen wasiirka warfaafinta sidaasna awood qeybsiga beelaha xilkaas ku waayay.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida ayaa soo jeeda Hawiye (Xawaadle).

Jen. Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo loo magacaabay  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kasoo jeeda Daarood, Leelkase.

Jeneral C/llaahi Cali Caanood oo isna loo magacaabay Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka ayaa kasoo jeedo Daarood, Mareexaan.

Jeneral Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka wuxuu kasoo jeedaa Hawiye, Habar Gidir, Saruur.

Inkasta oo xilkaan loo magacaabay qaab awood qeybsi ah ayaa hadana waxaa la leeyahay waxaa meesha ka maqan beelaha kasoo jeeda koonfur galbeed oo xilalkii maanta la magacaabay aan wax laga siin. Sidoo kale beelaha Dir ayaan waxba helin iyo beesha Shanaad, waxaana xilalka gebigood yihiin Hawiye ama Daarood.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada