Arbaaz Khan Oo Director Ka Noqan Doono Dabangg 3 Iyo Filimkaan Oo Lagu Soo Dari Doono Atariisho Kale

Arbaaz Khan Oo Director Ka Noqan Doono Dabangg 3 Iyo Filimkaan Oo Lagu Soo Dari Doono Atariisho Kale

daajis.com:- Arbaaz Khan oo mar kale xaqiijiyay inuu director ka noqan doono Taxanaha Dabangg maadaama uu sameeyay qeybta labaad ee taxanahaan.

Waxaana la hadal haayay maal mahaan in Arbaaz Khan filimkaan uusan sameyn doonin laakiin wax walbo biyo qabow ayuu ku shubay wuxuuna sheegay inuu sameyn doono qeybta seddaxaad ee filimka Dabangg 3.

Sido kale waxaa la sheegay in filimkaan Sonakshi Sinha laga saraay laguna soo dari doono labo atariisho oo kale laakiin wuxuu xaqiijiyay in Sonakshi doorkeeda wadan doonto laakiin lagu soo dari doono atariisho kale oo door muhiiim ah laga siin doono.

Arbaaz Khan ayaa sheegay inuu badali doonin sida loogu bartay taxanhaan laakiin wuxu sheegay inuu wax yar ka badali doono xiisana u yeeli doona mar kale taxanhaan.

Taxanahan Dabangg waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan Dabbang qeybtiisa koowaad waxaa la daawaday 2010 qeybta kalena waxaa la daawaday 2012 haatan waxa la hadal heeya in qeybtiisa seddaxaad la daawan doono sanadka soo socdo.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada