Ciidamada Itoobiya oo isaga guuray degmada Dhuusa Mareeb

Ciidamada Itoobiya oo isaga guuray degmada Dhuusa Mareeb

daajis.com:- Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa degmadaas ay maanta isaga guureen.

Ciidamadan ayaa muddo sanado ah ku sugnaa Dhuusa Mareeb, iyadoo labo xarun ka deganaa duleedka magaalada, waxaana joogitaankooda ahaa mid aan wax saameyn ku laheyn Dhuusa Mareeb oo amnigeeda ahaa mid ay gacanta ku hayeen Maamulka Ahlusuna.

Wararka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamadan ay la xiriirto qorshe Ciidamada Itoobiya ee aan hoos-tagin Howl galka AMISOM looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Ciidamada maanta ka guuray Dhuusa Mareeb ayaa waxaa la sheegay inay ka gudbeen xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dhinaca deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa waxaa horay gacanta ugu hayay Ciidamada Ahlusuan Wal-jameeca, oo horay dagaalo ula galay Shabaab.

Lama oga saameynta ay ku yeelan doonto ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ammaanka Dhuusa Mareeb, iyadoo horay Ahlusuna ula dagaalantay Shabaabka oo dhowr jeer soo weeraray degmadaas.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Itoobiya isaga baxeen degmada Ceelbuur, halkaasoo muddo 3-sanno ku sugnaayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada