DAAWO: Gabadh Somaaliyeed oo Dhac Fool-xun loogu gaystay Mareykanka

DAAWO: Gabadh Somaaliyeed oo Dhac Fool-xun loogu gaystay Mareykanka

daajis.com:- Gabar Soomaali ah oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Maalin Cad ay Tuugo Madoow ah ay dhac fool xun u geysteen iyadoona ay ka dhaceen lacagtii ay haysatey islamarkaana ay ka qaateen Teleefoonkeedii gacanta.


Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Xaliimo Xasan oo ku nool magaalada Columbus ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay ku sugneyd goob shidaale ah si ay gaarigeeda ay shidaal ugu shubato ayadoona ay halkaas ay weerar ku soo qaadeen ilaa 3 nin oo tuugo madoow ah halkaas oo mid ka mid ah tuugadaas uu gabadhaas ku qabtey qoorsagaaro islamarkaana uu ka xoogay boorsadeedii gacanta taas oo ay ugu jirtey lacagtii mushaarka oo ay soo qaadatey, sidoo kale ayuu tuugaas waxaa uu ka qaatey gabadhaas Soomaaliyeed teleefoonkeedii gacanta inkastoo ay Booliisku dib ugu soo celiyeen Teleefoonkaas oo laga helay meel aan ka fogeyn goobta uu falkaas ka dhacay iyadoona ka dibna ay goobtaas ka baxsadeen tuugadaas.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada