Daawo: Heshiis lagu Wareejinayo Dekedda Boosaaso oo lagu saxiixayo Dalka Imaaraatka Carabta

Daawo: Heshiis lagu Wareejinayo Dekedda Boosaaso oo lagu saxiixayo Dalka Imaaraatka Carabta

daajis.com:- Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland saacadaha soo socdo u safri doono dalka Imaaraatka Carabta si uu soo saxiixo heshiis uu ku wareejinayo Dekadda magaalada Boosaaso.

Cabdiweli Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa kusii jeeda dalka Imaaraatka Carabta, waxa uuna Madaxweynaha Puntland soo saxiixi doonaa heshiis ay Shirkada DP world kula wareegeyso Dekadda Boosaaso si ay dib u dhis iyo balaarin ugu sameyso.


Saxiixa Heshiiskan Shirkada Imaaraatka laga leeyahay kula wareegeyso Dekadda magaalada Boosaaso ayaa marar badan u baaqday sababo aan la ogeyn, waxaana la filayaa in Gaas uu markan qalinka ku duugo Heshiiska maamulida Dekadda Boosaaso lagu wareejinayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa safaro isdaba joog ah mudooyinkan dambe ku tagayay dalalka Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya, waxa uuna Madaxweynaha waday qorshe Shirkada DP world loogu wareejinayo maamulka Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso.

Shirkada DP world ayaa horey ula wareegtay maamulida Dekadda Berbera, waxa ayna hada shirkadan mar kale la wareegeysa marka heshiiska la saxiixo Dekadda magaalada Boosaaso, lamana oga in Dowlada Federaalka wax ka ogtahay Heshiiskan lagu wareejinayo Dekadda Boosaaso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada