Daawo: Maxay S.land ka aaminsan tahay Heshiika Puntland Dekadda Boosaaso Ugu Wareejisay Imaaraadka Carabta ?

Daawo: Maxay S.land ka aaminsan tahay Heshiika Puntland Dekadda Boosaaso Ugu Wareejisay Imaaraadka Carabta ?

daajis.com:- Waxaa dhawaan heshiis wada saxiixday Maamulka Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta kaasoo ku aadan Dakadda Boosaasoo oo ah Dakadda Labaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Haddaba waxaa arintaas ka hadlay Maamulka Somaliland, oo si weyn usoo dhaweysay heshiiska ku dhex maray Putnalnd iyo Shirkadda DP World Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta.

Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo a Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa ka dhawaajiyey inay halmbalyo farxadeed u dirayaan shacabka Puntland, waxayna si weyn usoo dhaweeyeen heshiiskaas oo ay ku tilmaameyn inuu yahay mid hormarka ka shaqeenayo. “haddaanu nahay Dawlada Somaliland waxaa Puntland u direynaa hamnbalyo ku aadam Heshiiska Boosaaso si lamid ah hambalyada ay shacabka u direyn dowladda. Dadkaas fahmay dariiqa Jamhuuriyadda Somaliland ay qaaday inuu mid saxa yahay.” Ayuu yiri  Cadaani.


Wasiirka oo dhinaca kala hadlayey kaalmada ay dowladda Soomaaliya u qorsheysay Somalilan ayaa ku tilmaamay inay arrintaas ujeedkeedu yahay sidii la isaga horkeeni lahaa shacabka iyo Maamulka Somaliland. Cadaani ayaa soo hadalqaaday in Somaliland ay u gurmatay Somaliya, xilligii ay abaaraha darrani ku dhufteen sanadkii 2011­ka, iyadoo Somaliland ka wadan dano siyaasadeed. Wuxuuna dowladdii hore ku ammaanay in ay si hufan ugu soo gurmatay abaarihii ku dhuftay Galbeedka Somaliland, muddo sanad iyo bar laga jooggo, taasna ay tahay mid lagu amaani karo dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada