Daawo Video: Shiinaha oo 10 Milyan ku Wareejiyey Somalia iyo Wasiir Maryam Qaasim oo si wayn uga hadashay

Daawo Video: Shiinaha oo 10 Milyan ku Wareejiyey Somalia iyo Wasiir Maryam Qaasim oo si wayn uga hadashay

daajis.com:- Madaxa Barmaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada WPF ee Soomaaliya, safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliyo iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu wareejinayay deeq lacag oo gaareysa Toban Milyan oo Doolar (10,000,000$) oo Dowladda Shiinaha ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyeed oo ay abaarta saameysay ,iyadoo si toos ah deeqdaas lacagta ah loo soo marsiinayo Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP.


Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen oo dhinacyo kala duwan leh islamarkaana Dowladda Shiinaha mashaariic kala duwan ay ka fulisay Soomaaaliya hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado ,waxaana safiirka sidoo kale uu sheegay in Dowladda Shiinaha iyo Shacabkeeda oo iskaashanaya ay mar walba diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dadka soomaaliyeed ee abaarta saaameysay

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyina Dowladda Soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed oo u mahad celisay Dowladda Shiinaha oo deeqdan lacagta ah soo dhiibtay iyo WfP oo lasoo marsiiyay ayaa sheegtay in ay wax badan ka tari doonto baahida dadka ay abaarta saameysay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada