General Gabre oo eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

General Gabre oo eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

daajis.com:- Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dalak Ethiopia General Gabre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed CabdulahI Farmaajo inuu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalkq Soomaaliya.

General Gabre ayaa bartiisa Twitterka waxa uu ku qoray Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullahi Farmaajo uu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia eek u sugan magaalada Baydhabo ayagoo qeyb ka ah hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM.

“Madaxweynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo”ayaa lagu qoray barta twitterka ee Gabre.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa laga reebay inay kamid noqdaan ilaalada Madaxweyne Farmajo booqashadii uu ku tegey magaalada Baydhabo.
Jen Gabre ayaa lagu eedeeyaa inuu si weyn ugu lug lahaa siyaasadda Soomaaliya madaxdii dalka soo marayna uu si weyn ugu dhawaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada