Kenya oo ku dhawaaqay Inay Khasaaro maaliyeed kala kulantay Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi

Kenya oo ku dhawaaqay Inay Khasaaro maaliyeed kala kulantay Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi

daajis.com:- Waxaa dhawaan heshiis dhex maray dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kaasoo keenay in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo muddo xayirnaa kadib markii ay Kenya sheegtay inaan la isku haleyn karin amniga diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya.

Haddaba dowladda Kenya ayaa ka dhawajisay inay Khasaaro weyn kala kulantay heshiiskaas, iyadoo sheegtay inay ku weysay adduun lacageed oo aad u badan, kadib markii la joojiyey maritaanka Magaalada Wajeer oo ah meel lagu dhibi jiray shacabka Soomaaliyed.

Charles Kiong oo ah  Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer oo saxaafadda la hadlay ayaa ka dhawaajiyey inay la kulmeyn khasaaro lacageed oo gaareyso ilaa laba milyan oo lacagta Kenya ah taasoo u dhiganto ilaa $21,240 Dollar tan iyo markii ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen heshiis sheegayo inay diyaaradaha toos ugu gudbaan Nairobi.

Waxa uu xusay in Diyaaradaha iyo rakaabka mari jiray Wajeer laga qaadi jiray lacagahaasi islamarkaana ay hadda taasi meesha ka baxday, waxaana kamid ahaa diyaaradaha halkaas mari jiray  Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic iyo  Fan Jet Express, waxayna dhammaantood hadda si toos ah uga dagaan Magaalada Nairobi.

Amarka ah in diyaaradaha Soomaaliya ka imaaday ay maraan magaalada Wajeer waxaa soo saaray madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki sanadkii 2006 isagoo markaas ku andacoonayey inuu go’aankaas qeyb ka qaadanayo xasilinta amniga Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay inuu sanado kadib kansalo go’aanka uu Kibaki soo saaray 2006, waxayna hadda shacabka Soomaaliya ee u safro Kenya dareemayaan farxad iyo guul.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada