Kulan lagu taageerayay Wasiirka cusub ee Caafimaadka oo lagu qabtay Muqdisho (Sawiro)

Kulan lagu taageerayay Wasiirka cusub ee Caafimaadka oo lagu qabtay Muqdisho (Sawiro)

daajis.com:- Munaasabada si weyn loo soo agaasimayay lagu soo dhoweynayay isla markaana lagu taageerayay Wasiirka cusub ee Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro katirsan Xukuumada , Siyaasiyiin,duubab dhaqameed,dhalinyar iyo Haween ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka hadashay ka mid ahaa
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali Qoloocow isagoo sheegay in ay soo dhaweenayaan Wasiirada cusub uuna hubo in ay la imaan doonto wax qabad muuqdo .

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Ugaas C/Raxmaan Ugaas Cabdulaahi oo kamid ah salaadiinta Soomaaliyeed waxana uu cadeeyay  in ay taageersan yihiin Wasiirka cusub , waxa uuna ilaah uga baryay in la garab galo waajibaadka loo igmaday.

Dhamaan dadkii ka hadlay Munaasabada oo isugu jiray Xildhibaano Wasiiro ,Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed ayaa si isku mid ah u taageeray Wasiirka cusub ee Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur.

Wasiirka cusub ee Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo hadal gaaban ka jeedisay munaasabada ayaa sheegtay in hadafkeedu uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeed caafimaad iyo horumar. Waxayna ballanqaaday inay u adeegi doonto shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ugaga faa’ideyn doonto aqoonteeda.
Wasiirka cusub ee Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa kamid ah golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya waxayna leedahay aqoon iyo waayaragnimo durugsan oo dhinaca maamulka ah iyadoo hore xilal kala duwan uga soo qabatay hay’ado caalami ah iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada