Madaxweynaha oo la kulmay qoyskii Marxuum Tahliil iyo Askarigii waday gaarigii jiiray oo la xiray

Madaxweynaha oo la kulmay qoyskii Marxuum Tahliil iyo Askarigii waday gaarigii jiiray oo la xiray

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Qoyska Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane, oo shalay ay jiireen gawaari galbineysay Madaxweynaha, xilli uu ku sii jeeday Baydhabo.

Dhacdadan oo aheyd mid shil ah ayaa waxaa ka gaabsatay Warbaahinta dowladda, iyadoo Madaxtooyadana aanay markii hore wax war ah ka soo saarin shilkan, balse maanta gelinkii dambe qoyska marxuumka dhintay Madaxtooyada looga yeeray.

Kulan Madaxweynaha uu la qaatay qoyska Marxuum Tahliil ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow, Agaasimaha Guud ee KMG C/raxmaan Al Cadaalla iyo Agaasimaha SNTV Liibaan Cabdi Cali,waxaana Madaxweynaha uu u sheegay qoyska uu ka baxay Marxuumka ay u tacsiyadeynayaan, dowladdana ay ka garaabeyso sida uu yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu amray in xabsiga la dhigo darawalkii waday gaariga, si loo baaro shilkaas inuu si ku tala gal ahaa iyo inay aheyd Qadar Alle ku timid.

“Marxuumka naxariistii Janno Alle Haka Waraabiyo, Qadar ayuu ku dhintay, Dowladda Soomaaliya Way ka garaabeysaa Geerida Marxuumka, Ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri Madaxweynaha

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan”Yariisoow” Oo Kulanka Kadib qabtay Shirjaraa’id Isagoo uu Garab taaganyahay Cabdi Jimcaale Hubane oo la dhashay Marxuumka Geeriyooday ayaa ballanqaaday in ay diyaar u yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdii Marxuumku uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya, Isagoo Qoyska Guddoonsiiyay Lacag Loogu Talagalay in duco loogu Sameeyo Alle ha u naxariistee Marxuum Taliil Jimcaale Hubane.
Cabdi Jimcaale Hubane oo goobta ka hadlay ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wuxuuna Arrin Ugub ku ah Soomaaliya ku tilmaamay sida Loo Ixtiraamay Qoyskooda, dowladda Soomaaliyana uga Garoowday Shilka uu ku geeriyooday Marxuub Tahliil Jimbaale Hubane.

Allaha u naxariistee Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane ayaa ka mid ahaa Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Isagoo Sidoo kale ahaa Farsamayaqaan Sare oo la soo shaqeeyay Kooxdii Fanka IFTIN Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Xiligii Dowladdii Dhexe Ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Waa markii u horeysay ee Kolonyo galbineysa Madaxweynaha Soomaaliyeed ay geysato dhimasho iyo dhaawac, iyadoo inta badan gawaarida AMISOM looga bartay inay jiiraan dadweynaha mara waddooyinka, iyagoo marka ay dilaan isaga dhaqaaqa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada