AKhri:Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar oo ka Sheekeeyey Wixii dhexmaray isaga iyo Diplamaasiyiin reer Galbeed ah.

AKhri:Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar oo ka Sheekeeyey Wixii dhexmaray isaga iyo Diplamaasiyiin reer Galbeed ah.

daajis.com:- Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda midba mar shir ugula yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Carlo Campanile iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Danjirayaasha waxaan kala hadlay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay la leedahay Talyaaniga tan gobonimadii iyo Imaaraadka Carabta tan iyo xilligii Shiikh Zayed.



Labadan Danjire iyo Danjiraha Jarmalka u qaabbilsan Soomaaliya Jutta Frasch oo aan goobjoog ka ahaa kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Madaxtooyada markii dambena aan qado-shaqo kula yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ayaan ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo waxtar u leh xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.



Qodobbada aan Saddexda Danjire kala hadlay waxaa ka mid ah isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, soo dhoweynta shacabka iyo saameeynta uu isbeddelkaasi ku yeelan karo dalka haddii uu taageero la taaban karo ka helo dalalka aan saaxiibka nahay.



Waxaan xusay in Dowladda cusub ay ka go’an tahay in ay la dagaasho  musuqmaasuqa, taas oo faa’iidooyikeeda kale ka sokow, aan rajeyneyno in ay dhiirri geliso in dalalka aan saaxiibka nahay sida Jarmalka, Talyaaniga iyo Xubnaha Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabtu ay sii kordhiyaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.



Waxaan xusay in maaddaama ay dhallinyaradu tahay tirada ugu badan ee bulshadeenna ay lagama maarmaan tahay shaqo abuur ka sokow in aan damacsan nahay in aan kor u qaadno tirada fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay u tartami karaan.  Danjiryaashu si guud ayay u soo dhoweeyeen codsigaas.



Tababbarka Howlwadeennada Wasaaradda ayaa ahayd mowduuc aan kala hadlay Danjirayaashu in ay Macaahiddoodu Diblomaasiyaddu ay tababbarro u fidiyaan shaqaalaha Wasaaradda.



Qodob kale oo Danjirayaasha aan la socodsiiyay ayaaa ahaa in aan xoojineyno Waaxda Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si ay Danjirayaasha Ajnebiga ah iyo wufuudda ugu fududeyso xiriirkooda laamaha Dowladda iyo dalka oo dhan.



Kulammada ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimayaasha Yurub iyo Dalalka Carabta.



Danjire Campanile waxaan uga mahadcelin iskaashiga ay Dowladda Talyaanigu la leedahay Soomaaliya. Waxaan ka wadahadalnay deeqaha Talyaanigu bixiyo ee soo mara Qarammada Midoobay iyo doorka ay Dowladda Soomaaliya ku lahaan karto hagiddooda iyo qiimeyntooda.



Waxaan ka wadahadalnay qabaqanqaabada Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tegi doono dalka Talyaaniga mustaqbalka dhow.

Waxaan xusuusiyay Danjiraha Talyaaniga sida ay Soomaaliya uga faa’iideysatay mshaariicda uu Talyaanigu ka fuliyay Soomaaliya oo ay ka mid tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe. Waxaanna Danjiraha u sheegay in maaddaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaad ay hadda baahi weyn u qabto mashaariic horumarineed.

 

Waxaa uu Danjiruhu si kaftan ah wax iiga weydiiyay in uu maqlay in aan Talyaaniga wax ku bartay waxaanna uga warramay waxbarashadii aan ku qaatay magaalada Sienna ee dalka Talyaaniga.  Waxaan u sheegay in aan Dowladda Talyaaniga abaal uga hayo deeqda waxbarasho ee ay aniga iyo kumanyaal Soomaali ah u fidisay taas oo aan xusay in aan maanta aad ugu baahi qabno.

Imaaraadka Carabta – UAE





Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi waxaan uga mahadceliyay sidii wacnayd ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo aan ka mid ahaa loogu soo dhoweeyay Abu Dhabi, fadhiyadii aan la yeelannay Madaxda dalka iyo ballanqaadkii waxqabad ee ay sameeyeen.



Waxaan si gaar ah uga mahadceliyay Barnaamijka deeq ururinta ee Jimcihii ka dhacay Imaaraadka Carabta ee dalka oo dhan looga ururiyay deeq samafal ah oo loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu asiibtay.





Danjiraha waxaan isla qirnay in ay Dowladda Soomaaliya tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka oo dhan matasha isla markaasna ay iyadu tahay iridda sharciga ah ee laga soo galo dalka. Waxaan intaa u raaciyay in Dowladdu ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo dalka ka mid ah, welibana ay u fududeyneyso Dowladdii dalka ka fulineysa mashruuc horumarineed, iyada oo la dhowrayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isla markaasna laga fogaanayo fal kasta oo taa wax u dhimi kara.



Jarmalka
Danjiraha Jarmalka uga wakiilka ah Soomaaliya, Jutta Frasch, ayaan ka qeyb galay kulan uu Ra’iisal Wasaaruhu kula yeeshay Xafiiskiisa.  Ka dibna waxaan la qaatay qado-shaqo.



Danjiraha waxaan isla soo qaadnay sidii aan u xoojin lahayn xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka isla markaasna aan isu weydaarsan lahayn booqashooyin Madax Sare oo labada dhinac ah.



Qadada waxaan uga dul sheekeysannay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka iyo sida aan u aragno in dalalka aan jaarka nahay uu isku xiran yahay amnigeenna iyo horumarkeennu.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada