Mooshin looga soo horjeedo qorshaha dhismaha Ciidamada oo loo gudbiyay Baarlamaanka

Mooshin looga soo horjeedo qorshaha dhismaha Ciidamada oo loo gudbiyay Baarlamaanka

daajis.com:- Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ayaa mooshin looga horjeedo dhismaha Ciidamada ee loo dhisayo qaab goboleedyada u gudbiyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay in dhismaha ciidamada aanay aheyn isku dhafkii la rabay, ayna u muuqdaan mid muujineysa qaab lagu dhisayo ciidamo goboleedyo.

Waxaa uu sheegay in ujeedada mooshinka uu yahay inay ka soo hor-jeestaan wax alla wixii ka hor-imaanaya awooda ciidamada xoogga dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Ujeedada mooshinka waxa weeye, in wax kasta oo wiiqaya awooda ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed, wasaaradda gaashaandhigga iyo midnimada qaran  inaan diidno, Xoogga dalka ma galo Federaal, waa afarta hey’adood ee aan Federaalka aheyn”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Waxaa uu dhaliilay war murtiyeedkii ka soo baxay todobaadkii hore shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee in la dhiso 18-kun oo askari, oo min 3,000 askari looga keenayo maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay mid ka hor imaaneysa jiritaanka ciidamada xoogga dalka oo leh hal talis, sida uu hadalka u dhigay.

Shirka London ka dhici doona bisha soo socota ee May ayaa looga hadlayaa arrimaha dhismaha ciidamada, iyadoo durbaba qubaro iyo siyaasiyiin ka digayaan in la meel mariyo qorshaha lagu dhisayo Ciidamo goboleedyo, taasoo ka hor imaaneysa dhismaha Ciidamo qaran, ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada