Muuqaal Hogaamiyaha Ahlu-sunah iyo Wuxuu kala Kulmay Muqdisho (Daawo)

Muuqaal Hogaamiyaha Ahlu-sunah iyo Wuxuu kala Kulmay Muqdisho (Daawo)

daajis.com:-  Madaxweynaha Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho.

Wafddiga Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka gobollada dhexe Saadaq Shiikh Yuusuf, Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Xasan Gaboobe iyo xubno kale.

Wafdiga waxaa Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarx Juxa.


Sheekh Maxamed Shaakir waxaa la filayaa inuu Muqdisho uga qeyb galo shir lagu mideynayo Maamullada Galmudug iyo Gobolada dhexe, ka hor doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dhici doontaa 30-ka Bishan April.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug iyo wafdi uu horkacayo ayaa isna ku sugan Muqdisho isagoo ka qeyb galaya shir dowlada federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ku leeyihiin Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada