Video: Somaliland Iyo Shirkada Turkish oo ku Heshiin Waayay Qodob yaab leh

Video: Somaliland Iyo Shirkada Turkish oo ku Heshiin Waayay Qodob yaab leh

daajis.com:- Wafti ka socday shirkadda duulimaadka Turkish Airlines oo shalay magaalada Hargeysa booqday ayaa waxay la kulmeen wasiirka duulista hagada maamulkaasi Farxaan Aadan Heybe iyagoo ka wada hadlay suuragalnimada in shirkadda Turkish ay duulimaad ka bilowdo geronka Hargeysa iyo dib u dhis lagu sameeyo garoonka oo terminal casri ah yeesho.


Wada hadaladaasi ayaa qaar la isku afgartay halka qaar kale dib loogu balamay in lasii amba qaado, waxaana ka mid ah in duulimaadka diyaaraddii ka tata Hargeysa inaysan sii mari doonin Muqdisho, tan ka Xamar ka timaadana aysan soo mari karin Hargeysa, qodobkaasi oo dib u dhigay in Turkish Airlines ka howl bilowdo Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay usoo bandhigeen maamulka shirkadda Turkish Airlines in duulimaadka tooska uu noqdo Istanbul, Jabuuti to Hargeysa, Hargeysa, Jabuuti to Istanbul.

Hase ahaatee waxaa muuqda in qodobkaasi aysan aqbalin shirkadda Turkish Airlines, Wasiir Farxaan ayaa ka warbixiyay qodobadii ay ku heshiiyeen maamulka shirkadda Turkish Airlines iyo qodobadii ay dib u dhigteen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada