MUUQAAL: Maraykanka oo Gantaalaha wax gumaada ku weeraray Xukuumada Suuriya iyo Sida wax u dhaceen

MUUQAAL: Maraykanka oo Gantaalaha wax gumaada ku weeraray Xukuumada Suuriya iyo Sida wax u dhaceen

daajis.com:- Maraykanka ayaa sheegay in uu weerar loo adeegsaday gantaalaha ‘Cruise’ loo yaqaanno ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay xukuumadda Suuriya.


Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in tiro ka badan 50 gantaal oo an nooca ‘Tomahawk’ laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyahay oo fadhiya badda Mediterranean.

Bartilmaameedyada la garaacay waxaa ka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Homs, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada ee lagu laayey dad joogay magaalo ay fallaagadu haysato.

Goor sii horreysay ayaa Ruushka oo ah saaxib la ah Suuriya wuxuu digniin ku bixiyey in ficil kasta oo milateriga Maraykanku ka sameeyo Suuriya uu yeelanayo cawaaqib xun.

Goor sii horraysay ayey saraakiil Maraykan ah sheegeen inay qorshaynayaan talaabo milateri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay fallaagadu haysato, halkaasoo ay tiro dad ah ku dhinteen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada