MUUQAAL: Siduu u dhacay Weerarkii Sweden iyo Ciidanka Boliska oo qabtay Qofkii ka danbeeyay weerarka (Daawo)

MUUQAAL: Siduu u dhacay Weerarkii Sweden iyo Ciidanka Boliska oo qabtay Qofkii ka danbeeyay weerarka (Daawo)

daajis.com:- Booliska wadanka Sweden ayaa soo qabtay qof lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerar loo adeegsaday gaari weyn bartamaha magaalada Stockholm ayna ku dhinteen afar ruux 15 kalana ku dhaawacmeen.

Qofka loo soo qabtay weerarkan ayaa la sheegay inuu markii hore ka baxsaday ciidamada iyadoo rasaas ay isweydaarsadeen labo ruux oo kale oo weerarkan ku lug lahaa waxayna ciidamada Booliska ku soo qabteen ninkan duleedka waqooyi ee magaalada Stockholm halka loo yaqaan Marsta.

Wargeys ka soo baxa dalka Sweden Aftonbladet ayaa daabacay in qofka loo soo qabtay weerarkan uu dhaawac fudud soo gaaray waxana lagu qiyaasay da’adiisa 39 sano jir.


Weerarkan oo dhacay gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa gaari weyn oo la soo afduubtay waxaa uu ku ceyrsaday ama eryaday dad lugeynayay Klarabergsgatan kahor inta uusan ku dhicin mid ka mid ah dukaamada ku yaal deegaanka kadibna guban.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada