DAAWO: Wasiirka Arimaha Gudaha oo Safarkii u horeeyay ku tagay Cadaado, Wixii uu Kala kulmay iyo Doorashada

DAAWO: Wasiirka Arimaha Gudaha oo Safarkii u horeeyay ku tagay Cadaado, Wixii uu Kala kulmay iyo Doorashada

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax JUXA ayaa maanta soo gaadhay magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug, Wasiirka ayaa hoggaminayey wafdi isugu jiray wasiiro, Xildhibaano, Sanataro, wuxuuna halkaas u gaaray si uu wadatashi ula yeelan lahaa Madaxda galmudug, Maadama ay socoto qaban qaabo ku aadan Doorashada madaxweynimo ee Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Wasiiro ,Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ka dhawaajiyey inay farxad weyn in watay in safarkii ugu horeeyey ee uu sameeyo wasiirka Arrimaha gudaha uu noqday midka uu Maanta Cadaado ku imaaday, wuxuuna tilmaamay inay wadatashi sameyn doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa oo isna halkaas saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inuu yimaado Cadaado isagoo ah wasiirka Arrimaha Gudaha DF Somalia, Wuxuuna sheegay inuu Cadaado u imaaday si uu wadatashi iyo xog kala qaadasho ula sameeyo Madaxda Maamulka Galmudug iyo Arimaha Doorashada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada