RW. Kheyre oo Amaro anshax ah kusoo rogay Golaha Wasiirada iyo Wasiiro soo Habsaamaay oo dib loo celiyey maanta

RW. Kheyre oo Amaro anshax ah kusoo rogay Golaha Wasiirada iyo Wasiiro soo Habsaamaay oo dib loo celiyey maanta

daajis.com:- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amarro cusub ku soo rogay golaha wasiirada Soomaaliya, isagoo  kulamadii ugu horeeyay isku dayay inuu dhaqan cusub u yeelo wasiirada.

Tallaabooyinka adag ee Ra’iisal wasaaraha la yimid ayaa waxaa ka mida

1- In la ilaaliyo xilliga shirka la galeyo, wasiirkii soo daahana uu dib u noqon doono

2- In aan shirka dhexdiisa telefoon lagu hadli karin, qofkii telefoon ka muhiimsan shirka doonayana uu bannaanka ula baxo.

3- Inaan hadalka lagu dheeraan oo si kooban loo hadlo.

Arrimahan oo ka mida kuwa ugu sahlan ee qof mas’uul ah looga baahnaa inaan loo sheegin ama lagu amrin ayaa dhibaato ka dhex dhaliyay shirarka Golaha Wasiirada oo intii la ansixiyay markii labaad maanta qabsoomaya.

Wasiirada Soomaaliya ayaa hore u caadeysay dhaqanno aan wanaagsaneyn oo ay ugu horeyso in shirarkoodu bilowdaan duhurnimada iyo in wasiir waliba xiligi uu doono yimaado kunam mashquulo telefoonkisa inta shirku socdo.
Mid ka mid wasiirada cusub ayaa ka carootay markii Ra’iisal wasaaruhu ka dalbaday inay hadalka soo gaabiso, iyadoo ku dooday inay xadgudub lagu sameeyay, waxaana Ra’iisal wasaare Kheyre oo bartay shaqaale toosan oo hay’ad NGO ah u shaqeeya sugaya inuu la tacaalo odayaal iyo haween mas’uuliyiin ah oo mas’uuliyiin oo doonaya in la baro nidaam ay ahayd inay dugsiyada hoose ku soo bartaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada