Sawiro: Mareekanka Oo Diyaariyey Ciidamo la keenayo Soomaaliya oo loogu magac daray Badbaadada Nolosha Askarta

Sawiro: Mareekanka Oo Diyaariyey Ciidamo la keenayo Soomaaliya oo loogu magac daray Badbaadada Nolosha Askarta

daajis.com:- Dowladda Mareekanka ayaa diyaarisay Ciidamo duulaan kusoo ah Soomaaliya iyadoo dhawaan lasoo saaray sharci ogolaanayo ama  baneenayo dhigga shacabka Soomaaliyeed maadaama la sheegay inaan loo meel dayi doonin meelaha la wareerayo oo ay Al-Shabaab joogaan haddii ay ku sugan yihiin xataa dad shacab ah.

Haddaba Sarakiisha Ciidamada Mareekanka ee Africa loo yaqaan AFRICON ayaa shaaciyey inay diyaariyeen ciidamo ka socdo dalka Ugandha kuwaas oo la baray sidii looga hortagi lahaa qatar ka dhallan karto miinooyinka, sidoo kalana waxaa ciido gaar ah oo loogu talagalay in lagu baxsado xilliyada halista ah.

Wuxuu Tababarkaas socday muddo 12 isbuuc ah  , waxaana  Ciiddanka Uganda ee la qorsheynayo in Soomaaliya loo soo diro la baray sida loo hortago Miinooyinka, hannaanka Isticmalka Hoobiyaha iyo  Tababarka Guud ee Ciiddanka iyo Jiheeyha dhulka.

Taliyaha Ciiddanka loo soo dirayo Somalia Kolonel Bonny Baamiseki ayaa sheegay inay ku hawl-geli doonaa qaabka loo soo tababaray, isla markaana ku guuleysan doonaan Hawlgalka loo dirayo, waxayna mararka qaar ciidamadaas garab u noqon doonaa Ciidamada Mareekanka ee howlgalada ka furliyo Soomaaliya kuwaas oo duqeeyey dhawr meel oo ay Al-Shabaab daganayeen.

dhamaan Ciiddanka Uganda ee loo soo gebagebeeyey Tabaarka in loogu talagalay in la geeyo Safka Hore ee Dagaalka lagula jiro Alshabaab, sidaasna waxaa saxaafadda u sheegay Kolonel Sean Dooley oo ka tirsan Taliska Ciiddanka Isku-xirka Milliteriga ee Geeska.
Howgalka ay ciidamadaan fullin doonaan ayaa loogu magac daray (Badbaadada Nolosha Askarta) oo loola jeedo in Ciidamada AMISOM la badbaadiyo xilliyada ay AL-Shabaab soo weeraraan iyo marka ay iyaga dagaal qaadayaan.
Waxaa la qiyaasayaa inay ciidamadaas tiro ahaan gaari doonaan ilaa 1800 oo askari o ka socdo dowladda Uganda, inkastoo aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin cadadka rasmiga ah oo ay noqon doonaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada