Shuruudo adag oo ay Xuutiyiinta Yeman ku xireyn meydadka Soomaalidii la xasuuqay

Shuruudo adag oo ay Xuutiyiinta Yeman ku xireyn meydadka Soomaalidii la xasuuqay

daajis.com:-Diyaarado dagaal ayaa dhawaan duqeeyey dooni ay saarnaayeen dad Soomaaliyeed oo xaqooti ah ilaa haddana si rasmi ah looma shaacin cidda ka dambeyso dilkaas.

Ilaa iyo xilligaas lama aasin meydkii soomaalidii lagu xasuuqay halkaas oo gaarayey ilaa 20 qof, waxayna ilaa hadda ku jirana qabiijiyaal.

Haddaba Xuutiyiinta ka dagaalameysa dalka Yemen ayaa diiday in la aaso meydadka Soomaalidii lagu xasuuqay dalka Yemen ee bishii hore ay duqeysay diyaarad dagaal xilli ay kusii Jeedeen  dalka Suudaan.

Xuutiga ka dagaama Yemen oo gacant ku haya meydadka dadkii Soomaaliyeed ee duqeynta lagu dilay ayaa ayaa sheegay in labo shuruudood ay ku xiran tahay hadii la duugayo Meydadkaas .

  • in la helo warqad cadeyneso ogolaanshaha dowladda Soomaaliya ee ah duugsita meydadka Soomaalidaas lagu laayay Yemen.
  • in mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaaliya ay goob joog ka ahadaan xiiga la duugayo meydadkaas Soomaaliyeed. 
  • Dowlada Soomaaliy aya Xuutiyiinta Yemen u aqoonsan Ururu xag jir ah  oo argagixiso sida dalalka carabta oo dhanba ay u aqonsan yihiin lamana oga culeyska arintan ay yeelan karto.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda wax hadal ah kama soo saarin arrinta meydka Soomaalida ee ilaa hadda la diidan yahay in la aaso.

Shuruudahaan cusub ayaa loo arkaa kuwa aan la fulin karin, maadaama uusan  xiriir fiican ka dhaxeyn dowladda Soomaaliya iyo Ururka Xuutiyiinta Yeman oo ah urur la mid ah midka Soomaaliya dhib ku haayo ee Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada