Top News: Madaxweyne Farmaajo oo diiday dalab ugu yimid Ethopia

Top News: Madaxweyne Farmaajo oo diiday dalab ugu yimid Ethopia

daajis.com:- Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi oo kamid ah Wariyaasha ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa helay xogta safarkii madaxweyne Farmaajo ee magaaladda Baydhabo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ku sheegay inuu madaxweynaha Baydhabo utagay inuu la kulmo Saraakiil Xabashi ah (Itoobiyaan)

HOOS KA Akhri Waxyaabihii kasoo baxay Kulana?

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysil waare Kheyre dalka naftiina ku bixiya haddii aad isku baqdaana fadlan waqti munaasab ah talada Soomaalida u celiya

Ilo Xog ogaal ah waxay ii sheegeen in Safarki madaxweynuhu ku tagay Baydhabo uu ahaa kulan ay isku arkeen saraakiil Xabshi ah.

Lama hubo cidda shirka dalbatay laakin waxaa la sheegay in Itoobiyaanku ay horay uga codsadeen Madaxweynaha in ay Addis ababa ama Bahar-daar oo Itoobiya ah midood isku arkaan laakin arintaasi waxaa ka cudurdaartay Farmaajo, balse marki dambe waxaa leysku afgartay Baydhabo Janaay.

Ilaha aan warka ka helay waxay ii sheegeen in shirka ay goob joog ahaayeen Xubno ka socday reer galbeedka oo ku caawiya Itoobiya danaha ah ka leedahay Soomaaliya.

Waxaa la ii sheegay in shirku uu ahaa mid ay Itoobiya ku dooneyso isku soo dhawaasho iyaga iyo dowlada cusub gaar ahaan madaxweynaha iyo Raysil wasaaraha oo ay aad uga didsanyihiin sida ay wax u wadaan oo ah in aysan Itoobiya aysan talo ku lahayn dowlada Soomaalida marka la eego sidi hore oo La’aanteedba aan waxba la gaarijirin.

Idinlama wadaagi karo dhammaan waxa la ii sheegay oo qaarkood waa wax aan cid kasta loogu talo galin laakin waxaa la ii sheegay in uusan wax is afgarad ah halkaasi ka dhicin.

Madaxweynuhu waxaa uu si addag uga hadlay sida la ii sheegay hab: dhaqanka ciidanka Itoobiya oo waxay doonaan dalka ka sameeya iyaga oo aan dowladda wax wada shaqeyn ah la lahayn. Wuxuu ka codsaday in ay badalaan dhaqanki hore ee ahaa in ay magaalo baneeyaan ama mid cusub qabsadaan iyaga oo aan cidna kala tashan.

Warkan aad idiin soo gudbinayo waxaan ka helay ilo lagu kalsoonyahay waxaanan u gartay in uu muhim u yahay muwadiniinta Soomaaliyeed ee ila midka ah.

Aragtideyda shaqsiga ah haddaan ku darsado. Sida aan oganahay Itoobiya waxay horay u fashilisay dhowr maamul oo kuyimid rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed

1. Dowladdi Madaxweyne C/qaasim

2. Maamulkii Maxaakimta

3. Dowladda Farmaajo in ay dhabaha kuwi hore marto iyo in kale waxaa ka jawaabi doono waqtiga. waana mid ku xiran hadba taageerada iyo geesinimada ay muujiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha waxaan ka codsan lahaa in ay laba jibaaraan kal adayga ay muujiyeen dalkana dhaxda u xirtaan. Haddii aad wadi weysaan fadlan ha is dhiibina ee talada dadka dib ugu soo celiya. Xilka aad haysaan ilaah baa idin gartay ee cidna yaanay idinku handadin dalkiina.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada