Video: Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo Xilka si Rasmi ah ula Wareegay Iyo Madax sare oo ka qayb gashay (Daawo)

Video: Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo Xilka si Rasmi ah ula Wareegay Iyo Madax sare oo ka qayb gashay (Daawo)

daajis.com:-  Xaflad Ballaaran oo xil wareejin ah ayaa caawa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada.


Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale waxaa uu si buuxda xilka ugu wareejiyey guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa ka qeyb galay xafladan munaasabad marti sharaf kala duwan iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadkii guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaa xafladan khudbado kala duwan oo ku aadan xil wareejinta ka jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo uga mahad celiyey gudoomiyihii hore waxqabadkii balaarnaa ee la yimid mudadi uu xilka hayey isagoo balan qaaday inuu dardar gelin doono howlaha maamulka gobolka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey wuxuuna shaqaalaha iyo howlwadeenada gobolka banaadir ka codsady iney la shaqeeyaan maamulka cusub.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada