Wasiirka cusub ee Amniga oo soo bandhigay qorshe wax looga qabanayo Amniga Muqdisho

Wasiirka cusub ee Amniga oo soo bandhigay qorshe wax looga qabanayo Amniga Muqdisho

daajis.com:- Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo maanta xilka la wareegay ayaa ku dhawaaqay qorshayaal cusub oo wax looga qabanayo amniga Caasimada, oo muddooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay.

Munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ayuu kaga dhawaaqay Qorshaha xasilinta Caasimada Muqdisho, iyadoo munaasabada xil wareejinta uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamd Guuleed, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Xildhibaano iyo Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida

Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in intii uu xilka hayay ay wax badan u qabsoomeen, isagoo ugu baaqay Wasiirka cusub inuu howsha halkeeda ka sii wado.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay inuu la imaan doono qorshe cusub oo amniga Caasimada iyo kan dalka wax looga qabanayo.

“Tallaabo cad oo Amniga dalka wax looga qabanayo ayaa la imaaneynaa, waxaa ugu baaqayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee fikirka guracan ee aan raadka ku laheyn diinteena laga dhaadhiciyay inay towbad keenaan oo ay ka soo baxaan”ayuu yiri Wasiirka cusub ee Amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay abaal marin doonto, qofkii soo sheega Al-Shabaab ama falal amni darro ku lug leh, isagoo xusay in dowladda ay qarin doonto qofkaas.

Wasiirka cusub ee Amniga oo horay u ahaa ciyaaryahan ciyaari jiray Kubadda Kolayga ayaa ah nin aan khibrad badan u laheyn dhinaca amniga, waxaase la is weydiinayaa sida uu uga dhalaali doono howsha adag ee loo xilsaaray oo ah Amniga, oo ah tan mar walba mas’uuliyiinta xilalka amniga haya ku fashilmaan wax ka qabashada amniga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada