XOG: Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo amar Culus dul dhigay Safaarada Itoobiya

XOG: Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo amar Culus dul dhigay Safaarada Itoobiya

daajis.com:- Madaxweynaha DFS ayaa dadaal dheer ku bixiyay in madaxtooyada Soomaaliya laga raro safaarada Itoobiya oo saameyn xoogan ku leh Soomaaliya.

Ilo wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in Farmaajo uu ku amray iney si deg deg ah safaaradu uga guurto madaxtooyada oo ah halkii umadda Soomaaliyeed looga talinayay.

Amarka Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in wali aysan ka jawaabin dowlada Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa ku marmarsiyooneysa inaan wali heysan dhul leysku haleynkaro, isla markaana aysan ka guuri doonin Madaxtooyada ilaa laga helo qorsho cusub.

Waxa ay Ethiopia sheegtay in amniga Somalia uu yahay mid aan caga wanaagsan ku taagneyn sidaa aawgeedna ay isku howli doonto baadi-goobka dhul ku haboon.

Safiirka cusub ee Ethiopia ayaa isna laga soo xigtay inay adag tahay in Safaarada laga raro Madaxtooyada Somalia, isagoo tilmaamay inaysan ku shaqeyn karin meelo kale.

Safaarada Dowlada Ethiopia ayaa dhowr sano ku dhex shaqeyneysay gudaha Madaxtooyada Somalia, waxaana iminka amarka lagu raraayo bixiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhinaca kale, Safaarada ayaa waxaa ka howlgala Sirdoon aad u farabadan kuwaa oo si toosa ugu xiran Howlwadeeno ka tirsan Villa Somalia oo ay la wadaagan xogta Qaranka.

Si kastaba, hadii Itoobiya ay kusii adkeysato iney sii daganaato madaxtooyadda Muqdisho waxaa madaxweyne Farmaajo laga sugayaa inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada