Amin Arts oo Xiddig kasoo bandhigay sawir ka turjumayo inuu burburin ku hayo waxqabadka Farmaajo

Amin Arts oo Xiddig kasoo bandhigay sawir ka turjumayo inuu burburin ku hayo waxqabadka Farmaajo

daajis.com:- Amin Arts oo ah farshaxaniistaha ugu fiican Soomaaliya ayaa soo saaray sawir gacmeed oo kaga hadlayo madashada cusub ee dhawaan looga dhawaaqay Nairobi.

Amin Arts ayaa sawirkaas ku muujiyey Guddoomiyaha madasha cusub Xiddig oo burburin ku hayo horumarka iyo nabadda uu Farmaajo u dhisayo Soomaaliya, midaasna wadna qabad ku noqotay Bulshada Soomaaliyeed.

Amin Arts ayaa Xiddig ku tilmaamay inuu yahay shaqsi doonayo inuu burburiyo horumarka iyo nabadda uu ka shaqeenayo Madaxweyne Farmaajo, maadaama uu kamid ah yahay shaqsiyaadka sida weyn uga shaqeeyey in la abuuro madashaan mucaaradka ku ah dowladda cusub oo ay rajo fiican ka leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madashaan ayaa waxaa ku midoobay ku dhawaad Boqol Xildhibaan, waxaana guddoomiyaha looga dhigay Xiddig oo kamid ah musharixiintii isku soo taagay tartankii loo galay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madashaan ayaa waxaa sidoo kalana dabada ka riixayo xisbiga Daljir oo ahaa xisbigii cuuryaamiyey dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud iyo loolankii ay u gashay in mar kale lasoo doorto.
Haddaba halkaan hoose ka arag Sawirka uu Amin ka sameeyey xiddig iyo qorshaha uu damacsan yahay


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada