Beesha Gaaljecel oo si weyn uga hortimid qaabkii loo magacaabey Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir

Beesha Gaaljecel oo si weyn uga hortimid qaabkii loo magacaabey Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir

daajis.com:-Odayaasha, Aqoonyahanada, Waxgaradka iyo Gacacsatada Beelweynta  Gaaljecel ayaa Cabasho weyn ka keentey qaabka loo Magacaabey Gudoomiyayaasha Degmooyinka  Gobolka Banaadir

“Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir  waxay si cad u inkireen Xaquuqdii Beesha Gaaljecel ay ku lahayd Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri Shir Jaraaid oo ay qabatey Beesha Gaaljecel oo shegtey in ay ka mid tahay Beelaha Dega Gobolka Banaadir  waxaa lagu sii raaciyey Shirkaas Jaraaid

“  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir  Waxay si cad ugu tunteen Xaquuqdii Beesha Gaaljecel  ee Gobolka Banaadir  iyagoo si bareer ah ugu dhiiraday in ay la saftaan Beelaha Qaar” waxay Hoosta ka Xariiqeen

“Odayaasha iyo waxgaradka beesha gaaljecel in aysan marnaba ka hari doonin Xaquuqdii ay ku lahaayeen Gobolka Banaadir  wuxuuna Gabayaa Soomaaliyeed uu yiri “XAAJO MAR FARTAA LALA GAARAA  MARNA FARAS BAA LALA GAARAA” waxaan leenahay in  Magacaabista  Gudoomiyayaasha Gobolka Banaadir ay tahay mid lagu deg degey

Ugu Dambeyntii Golaha Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Beelweynta  Gaaljecel. Waxay Fariin u direen Madaxda u sareysa Dalka in Markii Shirar  deg deg ah ay yeelatey Beesha Gaaljecel in ay Go’aan ku gaartey in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka  waxaana Qodobadii ka soo baxay shirkaas ka mid ahaa
  • in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu Gudan waayey Xilkiisii kana soo bixi waayay islamarkaana u Cadaalad Fali Waayey Beelaha Soomaaliyeed
  • Wuxuu si cad ugu tuntay Dhexdhexaadnimada Xilka Gudoomiyanimo ee Gobolka Banaadire isagoo  si bareer ah ugu dhiiraday inuu la safto Beelaha Qaar uu ka dhashay Gudoomiyaha
  • Wuxuu Gudoomiyaha uu fulin waayey habka wax qaybsiga (Traditioanal Clan level) isagoo taa bedelkeedana uu si cad u la safety Beelaha qaar
  • Waxaa uu si Cad u Garb istaagey (Politacal Lobbing) Murashax gaar ah.sidaa darteed waxaan Go’aasaney in aanan Wada shaqeyn la yeelan


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada