Daawo: Askari ka tirsan DFS oo fashiliyay Qaraxyo loo soo dhiibay oo lagu dili lahaa Taliyayaal ka tirsan DFS iyo AMISOM

Daawo: Askari ka tirsan DFS oo fashiliyay Qaraxyo loo soo dhiibay oo lagu dili lahaa Taliyayaal ka tirsan DFS iyo AMISOM

daajis.com:- Saraakiisha ciidamada DFS Gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay Askari ka tirsan ciidamada Milliteriga ee ka howlgala gobolka Hiiraan kaa oo ay Al-shabaab kula heshiiyeen inuu Khaarijiyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada iyo AMISOM.

Askarigaani ay soo bandhigeen Saraakiisha ayaa fashiliyay qorshaha ay Al-shabaab kula heshiiyeen kaa oo ahaa in Qaraxyo loo soo dhiibay uu ku haligo dhowr Sargaal oo isugu jira ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed, ayaa soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.

Askarigaani oo iskiisa u fashiliyay Qaraxyada loo soo dhiibay ayaa yiri ”Waxaa isoo wacay ruux ka tirsan Al-shabaab waxa uu i weydiiyay Su’aalo ay kamid ahaayen inaan awoodo tagista Xarumaha Ciidamada Xooga, kuwa Ethiopia iyo Jabuuti, anigoo aan dareensiin wadaniyadeyda aan ku difaacayo Qaranka ayaan ku iri waan awoodaa inaan tago dhamaan xarumahaasi waxa uu igu yiri waxaa tahay shaqsiga keliya ee aan u baahanahay ee howsheena fulinkara”.

Waxa uu intaa raaciyay ”Inta uu socday wadahadalka waxaan si toosa ula socodsiinaayay Saraakiisha ay i weydiyeen ee ka kala tirsan dowlada iyo AMISOM, waxaan ku wada hadleynay Tellefoonka”

”Waxa ay iga dalbadeen in 50 Askari oo ay ku dhintaan Qaraxa ay ugu wanaagsan tahay in Qaraxa lagu dilo hal Sargaal oo ka tirsan ciidamada dowlada ama AMISOM”

Waxa uu intaa raaciyay ”magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan”.

Intaa kadib Askarigaani Fashiliyay Qaraxa ayaa waxaa lacago abaalmarin ah gudoonsiiyay Taliyaha ciidamada xoogga gobolka Hiiraan Jen.Towane Axmed Gurey iyo Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada